Wararkii ugu dambeeyay ee cudurka Covid 19 ee dalka Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 48-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan gelisay 191 kiis oo cusub oo ah dad laga helay cudurka COVID-19.

Wasaaradda caafimaadka warbixin ay soo saartay ayaa lagu sheegay in dadkaas ay kala joogaan gobolka Banaadir 144, Somaliland 31 iyo Jubbalanad 16 halka dowlad goboleedyada kale aan laga sheegin wax bukaan cusub ah oo uu haleelay cudurkan.

Wasaaradda caafimaadka waxay sidoo kale sheegtay in 20 qof ay cudurka COVID-19 ugu geeriyoodeen Soomaaliya 48-kii saac ee la soo dhaafay, taasi oo tirada guud ee geerida ka dhigeysa 294 qof.

Dhanka kale, waxay wasaaraddu sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen 31 qof, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 3,932.

Soomaaliya ayaa tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee ay ilaa hadda diiwaangelisay ku sheegtay 8,041 qof oo uu haleelay cudurkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More