Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalo maanta ka dhacay deegaanka Daru-Nicma

June. 30 (Jowhar.com)-Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya deegaanka daru-Nicma oo hoostaga degmada Runil-Good ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka ay dib ula wareegeen degaanka.

Ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka oo saaka isaga baxay deegaanka Daaru Nicma ayaa dib ugu laabtay kadib markii dagaal xoogan uu ka dhacay deegaankaas.

Wararka ayaa waxaa ay sidoo kale sheegayaan in diyaarado dagaal ay duqeyn ka geysteen,balse ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada federalka iyo maamulka Hirshabelle oo la xiriira dagaalka. Lama oga khasaarha ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay Daru Nicma.

Dhawaan ayaa deegaanka Daru-Nicma waxaa ay maleeshiyaadka Alshabaab ka afduubteen dad rayid ah hase yeeshee ciidamada deegaanka ayaa iyagana afduubtay qaar ka mid ah qoysaska ay ka soo jeedaan dagaalamayaasha Alshabaab ee ku sugan deegaan aan ka fogeyn halkaas.

Hase yeeshee labada dhinac ayaa isweydaarsaday dadkii ay kala qafaasheen. Tan iyo markii labada dhinac ay isweydaarsadeen qoysaska la kala qafaashay ayaa xaalada deegaanka Daaru Nicma oo meel muhiim ah ku taal ay ahayd mid cakiran.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalamayaasha Alshabaab inta aysan ka bixin deegaanka Daaru Nicma ay waxyaalaha qarxa ku xireen masjidkii ugu weynaa deegaankaas kaasoo burbur xoog leh uu ka soo gaaray miinada lagu xirey.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More