Wararkii ugu dambeeyay ee soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle

Waxaa magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ka socda dhaqdhaqaaq xoog leh oo ku aadan soo xulista xildhibaanada baarlamaanka 2aad ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Hase yeeshee Jadwalka ay horaantii bishan soo bandhigeen guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle ayaa waxaa ka muuqata dib u dhac, waxaana jadwalka uu ahaa in la bilaabo 21ka bishan diyaarinta iyoi soo gudbinta liiska xildhibaanada.

Guddiga ayaa weli waxa uu ku guda jiraa xereynta iyo u sameynta aqoonsiyo duubabka dhaqanka iyadoo weli aysan iman duubab dhaqan oo ka mid ah duubabka Hirshabelle.

Waxaa magaalada Jowhar ka soconaya kulamo gaar gaar ah kuwaasoo ay xildhibaanadii hore iyo musharaxiinta cusub ay la sameynayaan  qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan duubabka dhaqanka iyo nabadoonada.

Waxaa soo galay magaalada Jowhar musharaxiin badan oo doonaya inay ka mid noqdaan xildhibaanada baarlamaanka 2aad,kuwaasoo intooda badan ka imanaya caasimada dalka ee Muqdisho halka qaar kalana ay dalka dibadiisa ka yimaadeen.

Inta badan xildhibaanadii hore ayaa wadnaha farta ku haya iyagoo ka baqaya in ay waayaan kuraasta, halka musharaxiin kale oo u badan dhalinyaro ay iyaguna doonayaan inay ku fariistaan kuraasta.

Duubabka dhaqanka ee soo gaaray magaalada Jowhar ayaa lagu xareeyay dhisme ku dhow Madaxtooyada Hirshabelle waxaana aad loo adkeeyay ammaanka gudaha iyo agagaarka xaruntaas.

Sii hayaha xilka Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaan ka dhex muuqan howlaha ka socda magaalada Jowhar.

Waxaana jira walwal xoog leh oo laga qabo in Hishabelle ay labo u qeybsanto maadaama mid ka mid ah beelaha dega Hirshabelle ay inta badan siyaasiyiintooda ay ku adkeysanayaan in kursiga Madaxweynaha aan lagula tartami karin.

Soo xulista xildhibaanada baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle ayaa waxaa sidoo kale dib u dhac uu kala kulmayaa dowlada federalka oo aan weli kala cadeyn mowqifkeeda ku aadan hannaanka loo maraya dhisida baarlamaanka labaad ee Hirshabelle.

Dad badan ayaa aaminsan in marka la ansixiyo  golaha wasiirada cusub ay kala cadaan doonto mowqifka dowlada federalka maadaama wasiirka arrimaha gudaha uu ka soo jeedo Hirshabelle.

Xubnaha golaha wasiirada cusub ee aan weli la ansixin ayaa waxaa xilal ka haya qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Hirshabelle sida Wasiirka Arrimaha Gudaha,Wasiirka Amniga,Wasiirka Caafimaadka,Wasiirka Gargaarka iyo ganacsiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More