Wariyeyaasha Muqdisho oo dhigay banaanbax ay ku dalbanayeen sii deynta Wariye Caddow

Weriyaasha magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah ururada warbaahinta ayaa maanta banaanbax cabasho ah ka dhigay caasimada dalka ee Muqdisho iyagoo ku dalbanayay kasoo sii deynta wariye Cabdullahi Kulmiye oo 72 sacaadood sharci darro ku xiran.

Qaar ka mid ah ururada Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa si weyn uga horjeestay xariga wariyaha waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay in dib loogu soo celiyo xoriyaddiisa.
Waxaa ay sidoo kale ka dalbadeen Madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble in ay tixgaliyaan xoriyadda hadalka.

Ururada Saxaafadda ayaa sheegay in ay dadaal ku bixiyeen siideynta wariyaha laakiin wali ay jiraan caqabado waa weyn.

Wariyaha oo ciidanka Nabadsugida u xireen Wareysi uu ka qaaday Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo taageeray fikirka Al-Shabaab ayaa Xalay gurigiisa lagala baxay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More