Wasaarada Amniga Gudaha oo beenisay in dalka uu ka baxsaday Agaasimihii Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha

June. 21 (Jowhar.com)-Wasaaradda Amniga Gudaha ee XFS ayaa soo saartay qoraal ay ku beenisay warar maanta laga faafiyey Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi Cabdul.

Qoraalka Wasaarada ayaa lagu sheegay in Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi Cabdul uu ku maqan yahay fasax uu ku wargeliyey Wasaarada.

Warka ka soo baxay Wasaarada Amniga Gudaha ayaa yimid kadib markii warar lagu baahiyey baraha bulshada iyo qeybo ka mid ah Warbaahinta gudaha oo sheegayey inuu dalka ka baxsaday agaasmihii heyadda socdaalka Cabdulqaadir Cilmi Cabdul.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Wasaarada Amniga Gudaha;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More