Wasiirada Gaashaandhigga iyo Taliyaasha Ciidamada Safka Hore oo shir uga furmay Muqdisho

Jan. 31 (Jowhar.com)- Shir ay yeelanayaan Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidammada ee dalalka deriska ah, ee loo yaqaan Dalalka Safka Hore ee kala ah Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya ayaa ka furmay magaalada Muqdisho.

Wasaarada warfaafinta xukuumada Federalka ayaa sheegtay in shirkan looga hadlayo dhameystirka hawlgallada dib u xoreynta degaannada ay weli ku harsan yihiin kooxda Al-Shabaab, isku dubaridka taageerada muhiimka ee Dalalka Safka Hore iyo iskaashiga dalalkan ee hawlagalada ka socda Soomaaliya.

“Wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidammada ayaa kulankooda maanta ku diyaarin doona ajendaha shir madaxeedka berri dhacaya oo la filayo in natiijada ka soo baxda ay qeexi doonto hawlaha baaxadda leh ee lagu dhameystirayo hawlgalada milateri ee ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta iyo guud ahaan Amniga gobolka,” ayaa lagu yiri qoraal ka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxa uu gogol xaar u yahay shir ay madaxda Dalalka Safka Hore ay beri ku yeelanayaan magaalada Muqdisho, kaasoo uu shir guddoomin doono Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More