Wasiirka Arrimaha Afrika ee UK oo booqday Xarunta Ciidamada Britain ee Baydhabo

Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan dowladda UK James Duddridge ayaa shalay booqday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed.

Wasiirka oo uu wehliyay Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya ayaa la kulmay Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa.

Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay arrimaha amniga, siyaasadda iyo taageerada ciidanka, waxaana Madaxweynaha Koofur Galbeed uu ka dalbaday inay sii laba-laabaan taageerada ay siiyaan Ciidamada.

Wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Afrika iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa si wadajir ah u kormeeray saldhigga ciidanka Ingiriiska ku tababaraan Ciidamada Koofur Galbeed ee ku yaalla nawaaxiga garoonka diyaaradaha Baydhabo.

Ciidamada ka socda Britain ayaa saldhig ku leh magaalada Baydhabo, waxaana ay ka qeyb qaataan tababarka iyo taakuleynta Ciidanka Maamulka Koofur galbeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More