Wasiirka arrimaha dibadda oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Sep 05 (Jowhar.com)-Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse ayaa warqadihiisa aqoonsiga ee safiirnimo ka gudoomay safiirka cusub ee Midawga Yurub  u qaabilsan Soomaaliya Ms Karin Johansson oo soo gaartay magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo safiir Ms Karin Johansson kusoo dhaweeyay wasaaradiisa ayaa kulan gaar ah uu la qaatay waxa ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac iyo sidii Midowga Yurub u xoojin lahaa taageerada dhinacyada kala duwan leh ee uu ka geysto dalkan.

Mr. Haruuse ayaa sheegay inuu haweeneydan ka rajeynayo sidii ay uga shaqeyn leheyd fulinta heshiisyo kala duwan oo dhawaan ay kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

“Waxaan ka rajayn danjiraha cusub inay kaalin waxtar leh ka gaysato xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub,  gaar ahaan dardargellinta heshiiskii Tubta wada-shaqeynta ee dhowaan dalkeenna iyo Midowga Yurub kala saxiixdeen” ayuu bartiisa Facebook kusoo qoray wasiirka.

Si kastaba, Magacaabista safiirka cusub ayaa ku soo beegantay marxalad xasaasi ah oo Dowladda Soomaaliya ay ku jirto xoojinta amniga qaranka, dardargelinta soo kabashada dhaqaalaha, iyo xoojinta hay’adaha dowladda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More