Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Zambia Hakainde

Mar 15 (Jowhar.com) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa la kulmay Madaxweynaha Zambia Hakainde Hichilema,iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal.

Madaxweynaha Zambia ayaa sheegay in dowladiisa ay si weyn ula socoto doorashada ka socota Soomaaliya si loo xaqiijiyo in natiijada ka soo baxda ay noqoto mid guul ah.

Zambia ayuu sheegay in ay aad u qadarineyso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya, waxa uuna ku baaqay in la kordhiyo wada shaqeynta iyadoo ujeedadu tahay in la abuuro ajande dhaqaale oo guuleysta oo ay ka faa’ideystaan ​​shacabka labada dal.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Zambia ay si weyn uga dhexmuuqdaan Ganacsatada.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu doonayo in uu booqdo Zambia kadib doorashadii ka dhacday dalkaas si loo sii xoojiyo xiriirka labada dal.

Waxa uu sheegay in joogitaanka Soomaalida ee ganacsatada Zambia ay muujineyso in dalka Koonfur Afrika uu leeyahay jawi ganacsi oo wanaagsan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More