Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya oo la kulmay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, ahna Madaxa Hawl-galka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.

Kulankan booqasho sharafeedka ahaa, ayaa Wasiirka iyo Wakiilka Qaramada Midoobey waxaa ay sidoo kale kaga wada hadleen doorka Qaramada Midoobey ee ka jawaabidda baaqii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddanaa u gurmashada shacabka ay dhibaatooyinku ka soo gaareen abaaraha baahsan ee ku dhuftay Dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More