Wasiirka Beene Beene oo furay Madasha Maalgashiga Soomaaliya iyo Suudaan

Wasiirka Beene Beene oo furay Madasha Maalgashiga Soomaaliya iyo Suudaan

Mar. 20 (Jowhar.com)-Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud C/raxmaan Beenebeene.

Ayaa Muqdisho ka daah furay Madasha Maalgashiga Soomaaliya iyo Suudaan oo ay kasoo qeybgaleen wafdi ka socda Dowlada Suudaan.oo ay hogaamineyso Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee Suudaan, Ahlaam Madani Mahdi.

Ku dhawaad 45 shirkad oo Suudaan ka yimid ayaa la falgali doona hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo shirdaha dhiggooda ee Soomaaliyeed si ay u falanqeeyaan fursadaha maalgashi ee ka jira labada dal.

Dhanka kale, waxa aan Heshiis Is-afgarad ah oo dhinac socday Madasha Maalgashiga Soomaaliya iyo Suudaan la saxiixday, Wasiirka Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee Suudaan, Ahlaam Madani Mahdi.

Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa ku saabsan horumarinta iskaashiga labada dowladood iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha, iyo ganacsiga.

Saxiixa Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa saldhig u noqon doona xiriir qoto-dheer oo dhex mara Soomaaliya iyo Suudaan, kaas oo saldhig u ah wax wada qabsiga iyo danaha labada shacab iyo labada dowladood ee walaalaha ah.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More