Wasiirka Gaashaandhiga oo dalab u diray dadkii ka barakacay deegaanada la xoreeyay

Sep 14 (Jowhar.com)-Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan magaalada Ceel la-helay ee gobalka Galgaduud ayaa ugu baaqay Shacabka Khawaarijta ay sida qasabka ah uga saareen Guryahooda magaalooyinka Ceel la-helay iyo Ceel-garas inay dib ugu soo laabtaan.

Wasiirka ayaa sheegay ciidanka Qaranka iyo guud ahaan dowladda inay u taagantahay caawinta iyo garab istaaga dadka deegaanka oo ay dib u dhigeen Khawaarijta.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale aad u bogaadiyay Geesiyaasha dadka deegaanka ee sida buuxda u garab taagan Ciidanka Qaranka oo guulo waa weyn ka gaaray dagaalka Khawaarijta.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidanka Qaranku ayaa ka kaashanayo maamulka deegaanada dhawaan lala wareegay sidii adeegyada aasaasiga ah loogu soo celin lahaa deegaanadaas, taas oo u fududeyneysa dadka deegaanka ka qaxay in ay dib ugu soo laabtaan

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More