Wasiirka Warfaafinta oo ku booqday isbitaalka afhayeenka xukuumada Macalimuu

Mas’uuliyiin uu horkacayo Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Cusmaan Abuukar Dubbe ayna ka mid ahaayeen wasiiru dowlaha Howlaha Guud Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (B. Gooble) iyo masuuliyiin kale ayaa ku booqday isbitaal ku yaalla magaalada Istambul ee dalka Turkiga Afhayeenka Xukuumada Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Wasiir Cusmaan Dubbe iyo Wasiir Bashiir Goobe oo warbaahinta Qaranka kula hadlay isbitaalka ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee Macalimuu ay soo hagaageyso, iyagoo u mahad celiyey Ra’iisul Wasaare Rooble oo dadaal badan ku bixiyey in Afhayeenaka Xukuumadda uu daryeel caafimaad helo.

Xaalada caafimaad ee Afhayeenka xukuumada ayaa maalinba maalinta ka dambeysa soo wanaagsanaaneysa isagoo bilaabay in howlahiisa caadiga uu ee soo gudbinta akhbaarta xukuumada uu bilaabay.

Bogga afhayeenka baraha bulshada ayaa maanta waxa uu soo dhigey aklhbaar ku saabsan booqashada Ra’iisul wasaare Rooble uu ku tegey wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta,

Afhayeenka xukuumada ayaa ka soo bogsanaya dhaawac ka soo gaaray qarax uu ku weeraray qof isku soo xerey waxyaabaha qarxa,16-kii bishan Janaayo meel ku dhow guriga uu ka degen yahay caasimada dalka ee Muqdisho.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More