Wasiirkii Maaliyada dalka Qatar oo xabsiga loo taxaabay

Wasiirkii Maaliyada dowlada Qatar Ali Shareef al-Emdi ayaa xabsiga loo taxaabay iyadoo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo ku takri-fal awoodeed.

Wakaaladda Wararka Dowladda Qatar ee QNA ayaa maanta shaacisay in uu amray xiritaanka wasiirka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qatar uuna hadda socdo baaritaan ku aadan eedaha loo soo jeediyay wasiirka.

Al-Emadi ayaa ahaa wasiirka maaliyadda dalkan hodonka ah ee Khaliijka Carabta tan iyo sannadki 2013-ki. Wuxuu kaloo madax ka ahaa Sanduuqa Maalgashiga Qatar oo ay taallo lacag ka badan 300 oo bilyan oo dollar.

Wargeyska ka faallooda arrimaha dhaqaalaha caalamiga ah ee Banker ayaa sannadki 2020-ki u aqoonsatay Ali Shareef al-Emadi wasiirka ugu wanaagsan wasaaradaha maaliyadda Bariga Dhexe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More