Weriye Cabduqaadir Dulyar oo lagu xirey magaalada Beledweyne

Ciidamada Booliska magaalada Beledweyne ayaa xabsiga u taxaabay xalay weriye Cabduqaadir Faarax Dulyar oo ka howlo shaqo u joogay magaalada Beledweyne.
Weriye Dulyar ayaa xalay saqdii dhexe lagala baxay hotel uu ka degenaa magaalada Beledweyne isagoo lagu xirey saldhigga booliska magaalada Beledweyne.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo kan dowlad goboleedka Hirshabelle ayaan ka hadlin xarigga weriyaha,hase yeeshee xariga weriyaha ayaa yimid saacado yar kadib markii uu bartiisa facebook ku faafiyay qeyb ka mid ah wareysi uu kula yeeshay duleedka magaalada Beledweyne Jeneraal Abuukar Xuud oo ciidamo badan ku heesta duleedka magaalada Beledweyne.

Ururada saxaafada iyo saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabelle in si shuruud la’aan ah ku sii daayaan weriye Dulyar maadaama aysan jirin dambi uu galay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More