Wiil doonayay inuu badbaadiyo haweeney da’ah balse isagii la diley oo lagu tilmaamay halyeey

Cali Abuukar Cali oo 20 sano jir ahaa asalkiisuna ahaa Soomaali balse haystay dhalashada British ayaa geeriyootay xilli la sheegay in uu isku dayayay in uu badbaadiyo nafta haweeney da’ ah.

Wiilkan dhalinyarada ahaa ayaa la sheegay in uu u soo galay jimcihii la soo dhaafay si uu u caawiyo Betty Walsh, oo 82 jir ah, taasoo mindi lagu weeraray bannaanka dukaan u dhow gurigeeda oo ku yaalla xaafadda Brentford ee Galbeedka London una dhow guriga Cali.

Cali ayaa ahaa arday ka tirsan Jaamacadda Kingston, waxana uu tababare u noqday koox wiilal oo ka tirsan Naadiga Kubadda Koleyga ee Chiswick Gators.

Dhacdadan ayaa dhacday saacado kadib markii uu ka soo laabtay tababar uu siinayay kooxdiisa.
Bogga GoFundMe ah oo loo abuuray in lagu sameeyo tabarucaad sadaqo ah oo lagu maamuusayo Ali ayaa kor u dhaaftay 90,000 rodol ($120,000) laba maalmood gudahood.

Michael Kwentoh, oo hore u ahaan jiray ciyaaryahan da’yar oo caalami ah oo kubbadda koleyga aasaasay kooxda Gators, ayaa la kulmay Cali markii uu ahaa 13 jir.

“Cali wuxuu ahaa shaqsiga ugu daacadsan,ugu daryeeli badan ee aan abid la kulmo nolosheyda,” Kwentoh ayaa u sheegay Al Jazeera.

La yaab kuma aysan noqon Kwentoh in Cali uu isku dayay inuu caawiyo haweeneyda da’da ah.
“Kaliya uma qalmin waxa isaga ku dhacay. Isagu waxa uu ahaa mid aan waxba galabsan, aad buu u nadiif u ahaa,” ayuu yidhi Kwentoh.

Wiilashii Cali uu tababare u ahaa, da’dooduna waxa ay u dhaxaysay lix jir ilaa 10 jir, Kwentoh ayaa intaa ku daray in ay xasuusan doonaan naxariistiisa iyo xamaasadda uu ku beeray ciyaaraha.

“Wuxuu dareensiiyay inay yihiin xiddigo,” ayuu yidhi. “Wuxuu kaa dhigi lahaa inaad ku rumaysato in ka badan intaad naftaada aaminsan tahay.”

“Waxa aanu waynay walaal qaali ah, oo ah ninka ugu da’da yar ee ugu taxadarka badan, uguna qosolka badan,” ayuu yiri.

Eedeysanaha, Norris Henry, oo 37 jir ah, ayaa Isniintii ka soo muuqday Maxkamadda Uxbridge, isaga oo lagu soo oogay labadaba dilka Cali iyo isku day dilka Walsh,sida ay sheegtay BBC-da.

Wuxuu kasoo muuqan doonaa maxkamada dhexe ee dambiyada London Arbacada.
Walsh ayaa weli ku jira isbitaalka, ka dib markii qaliin kelyaha lagu sameeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More