Wiil iyo Abtigiis oo xalay lagu dilay dalka Koofur Afrika

Dec 06 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay dalka Koofur Afrika loogu geystay laba muwaadin oo Soomaaliyeed, kuwaasoo goob ganacsi ku lahaa wadankaasi.

Dilka waxa uu si gaar ah uga dhacay Magaalada Rustenbur, waxaana geystay koox burcad Koofur Afrikaan ah oo dooneysay iney dhac u geystaan goobtaasi ganacsi.

Arrinta argagaxa leh ayaa ah in labadan marxuum oo lagu kala magacaabi jiray

Abdirahim Hassan Ali iyo Ibrahim Warsame Ibrahim ay isu ahaayeen wiil iyo abtigiis mar kaliya lagu dilay goobtooda ganacsi.

Ciidamada amniga ee dalkaasi ayaa falka kadib tagay goobta waxeyna qaateen meydadka, iyagoo ku fashilmay soo qabashada ragii falkaasi ka danbeeyay.

Soomaalida ku nool dalkaasi Koofur Afrika waxaa lasoo daristay cabsi xooggan, iyagoo hadal haya falka xalay lagu dilay wiilkaas iyo abtigiis.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More