William Ruto oo ku hanjabay in ciidamada Kenya aysan ka bixi doonin Soomaaliya

June. 26 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ay dhici karto inay sii joogaan dalka Soomaaliya kadib jadwalka ka bixitaanka ee ciidamada ATMIS ee la qorsheeyay.

Ruto ayaa sheegay in dalalka safka hore ee Kenya, Uganda, iyo Itoobiya ay go’aansadeen in ay ciidamadooda ku sii sugnaadaan dalka Soomaaliya kadib muddada loo qabtay si aysan u lumin guulaha la gaaray.

Wuxuu sheegay in kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab ay isku dayeyso in ay dib ugu soo laabtaan halkii laga saaray ka dib markii ay bilaabatay ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) si ay u abuuraan fikrad ah in ay la wareegi doonaan gobolka.

Ruto ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Telefishinka France 24, waxa uuna wacad ku maray inay ka hortagi doonaan Kooxaha Argagaxisada.

“Caqabadda al-Shabaab waa inaan ka hortagnaa. Waxaan damacsannahay oo aan haysanaa fursad kasta oo aan kaga adkaanno al-Shabaab,” ayuu yiri Ruto.

Kooxdan Alshabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka geysanayaan dalka Kenya, iyadoo ay soo cusboonaadeen weerarada ay ku dhinteen in ka badan 30 qof bishii la soo dhaafay oo kaliya meel u dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa ka dhacday Lamu habeenkii Sabtida halkaas oo shan qof lagu dilay.

Afar ka mid ah raggan ayaa qoorta laga gooyay halka mid ka mid ah laga toogtay meel dhow. Kooxda weerarka geysatay ayaa sidoo kale gubey guryo ku yaala xaafadaasi ka hor inta aysan la baxsan raashiin.

Ciidamada Kenya ee ku hoos jira ATMIS-ka ayaa u jooga Soomaaliya si ay u baacsadaan oo ay u xakameeyaan dhaq dhaqaaqyada kooxda argagixisada ah.

Dhimista 2,000 oo askari iyadoo la raacayo go’aamadii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in labo Saldhig oo hore loo soo gaabiyo (FOB) lagu wareejiyay Ciidanka Qaranka Soomaaliya.

Qaraarka ayaa amraya in ATMIS ay hoos u dhigto 2000 oo askari dhamaadka bisha June 2023. Tani waxay sare u qaaday cabsida iyadoo ay kordheen weerarada ay argagixisadu ka geysanayaan deegaanadaas.

Xigasho;The Star

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More