Xabad Joojin 24 saac ah oo ka dhaqan gashay magaalada Khartuom

SUDAN-POLITICS/

Jun. 10 (Jowhar.com)-Caasimadda Suudaan ee Khartoum ayaa xasilloon ka dib markii ay bilaabatay xabbad-joojin 24-saac ah – isku daygii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeya ciidammada Suudaan iyo kooxda Rapid Support Forces (RSF). Dhexdhexaadiyayaashu ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin 24 saac ah oo Suudaan laga bilaabo horaanta Sabtida.

“Tan iyo markii uu dagaalku billowday [Abriil 15], tani waa markii ugu horreysay oo ay saacado socdaan xabad joojin, mana maqalno dhawaqa hubka. Maanta gabi ahaanba way ka duwanayd,” ayuu yiri Xamed Ibraahim, oo ku nool bariga Khartoum.
Mid ka mid ah suuqa Khartoum, ayaa la arkayay dadka oo u xusul duubaya sidii ay u kaydsan lahaayeen khudaarta iyo agabka kale ee aasaasiga ah.

Xabad joojinta ay garwadeenka ka yihiin Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya ayaa dhaqangashay laga bilaabo 6 subaxnimo (04:00 GMT) Sabtidii iyadoo rajada ay qabaan dhexdhexaadiyeyaasha in joojinta dagaalka ay fududeyso in si badbaado leh loogu gudbiyo gargaarka bini’aadantinimo ee aadka loogu baahan yahay dalka oo dhan.

Xabad joojin hore oo xiriir ah ayaa dhacday iyadoo labada dhinac ay ku eedeeyeen midka kale inuu jebiyay oo uu ku xadgudbay
Toddobaad ka hor xabbad joojinta, dagaalku waxa uu ku soo ururay saldhigyada muhiimka ah ee ciidammada, iyadoo RSF ay sheegtay in ay la wareegtay xarun hubka lagu soo saaro oo ku taal qaybta koonfureed ee caasimadda.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegay in gantaalada lidka diyaaradaha ay ku soo dhaceen koonfurta Khartoum iyo degmada Sharg el-Nil ee ku teedsan webiga Niil, kuwaas oo weerar xagga cirka ah lagu qaaday wax yar ka hor inta aysan dhaqan gelin xabbad joojinta.

Hay’adaha gargaarka ayaa rajeynaya inay soo farageliyaan si loo yareeyo qaar ka mid ah gabaabsiga, laakiin waxay u baahan doonaan dammaanad qaadka si nabad ah oo ay uga gudbaan dhinacyada isku haya si ay u gaaraan qaybo ka mid ah caasimadda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More