Xadgudubyo ay geysteen dhinacyada ku dagaalamaya dalka Ethiopia

Baaritaano ay sameeyeen Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dhinacyada ku dagaalamaya dalka Ethiopia ay geysteen dambiyo dagaal.

Warbixintan oo ay soo saareen hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka iyo guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya ee ay dawladdu magacawday ayaa la baahiyay maalin kadib markii ay Itoobiya ku dhawaaqday xaalad degdeg ah.

Ciidamada Tigreega ayaa sheegay isniintii in ay socod ku tagi karaan caasimadda si ay u afgambiyaan dowladda dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

Warbixintu waxay ka hadlaysaa inta badan colaadda muddada sanadka ah, ee ay ciidammada Tigreegu kula dagaalameen ciidammada Itoobiya iyo xulafadooda muhiimka ah ciidammada gobolka Amxaarada ee Itoobiya iyo askar ka socda waddanka ay deriska yihiin ee Ereteriya.

Dhammaan dhinacyada ayaa lagu eedeeyay inay jirdil iyo dil u geysteen dad rayid ah, kufsi wadareed iyo xarig salka ku haya isir.

Ma cadda in natiijooyinka warbixinta ay noqon karaan aasaaska tallaabo sharci ah.
Itoobiya iyo Ereteriya ayaan xubin ka ahayn maxkamadda dambiyada caalamiga ah, sidaas darteed maxkamaddu awood uma laha.

Warbixintu waxa ay ku talisay habka suurtogalka ah ee caddaaladda caalamiga ah, iyada oo sheegtay in baadhitaannada Itoobiya aanay ahayn kuwo dhammaystiran, mar walbana aan la kulmin heerarka caalamiga ah, mar walbana aanay ahayn kuwo hufan.

Legesse Tulu, oo ah afhayeenka dawladda Itoobiya ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo ku saabsan nuxurka warbixinta.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Eritrea Osman Saleh ayaa diiday inuu faallo ka bixiyo. Afhayeenka Jabhadda Xoraynta Shacbiga Tigreega (TPLF) Getachew Reda iyo afhayeenka gobolka Axmaarada Gizachew Muluneh ayaan diyaar u ahayn inay faallo ka bixiyaan.

Eritrea ayaa diiday in ay la hadasho baarayaal, sida lagu sheegay warbixinta, balse waxay horay u beenisay in ciidamadeedu ay sameeyeen xadgudubyo, inkastoo dukumentiyo badan oo ay ka mid tahay wakaaladda wararka ee Reuters.

Itoobiya ayaa sheegtay in qaar ka mid ah askartaasi ay maxkamadi ku socoto oo loo haysto kufsi iyo dil. Amxaarada waa ay diiday xadgudubyada.
Afhayeenka kooxda TPLF Getachew ayaa horay u beeniyay tacadiyada ay geystaan ​​ciidamada

Tigreega, balse waxa uu sheegay in qaar ka mid ah kooxaha “fiejignaanta” ee Tigreega laga yaabo in ay geysteen kufsi.

Warbixinta oo ka kooban 100 bog ayaa lagu sheegay in askarta Eritrea ay magaalada Axum ku dileen ilaa 100 qof oo rayid ah, in askarta Itoobiya ay guryahoodii kala baxeen 70 nin oo ay ku dileen saddex tuulo oo ku taal koonfurta Tigray; iyo in ciidamada Tigreegu ay magaalada Mai Kadra ku dileen ilaa 200 oo qof oo rayid ah oo Amxaarada ah, dambigaas ayaa markii dambe daba socday dilal aargoosi ah oo ay Amxaaradu u geysatay dadka Tigrayga ah.

Warbixintu waxay sheegtay in aanay ahayn liis dhamaystiran oo dhacdooyin ah. Wakaalada wararka ee Reuters iyo ururada kale ee wararka, ururada xuquuqul insaanka iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa diiwaan galiyay dilal kale oo badan oo loo geystay dad rayid ah oo aan la xusin.

Warbixinta ayaa sidoo kale ku eedeysay askarta Eritrea inay ku qasbeen qaxootiga Eritrea ee ku nool Tigray inay dib u laabtaan, taasoo xadgudub ku ah shuruucda caalamiga ah.
Warbixintu waxay ku eedaysay dhammaan dhinacyada in ay xannibeen gargaarka waqtiyo kala duwan, waxayna sheegtay in aan la xaqiijin karin in gaajada loo adeegsaday hub dagaal, sida uu horay ugu eedeeyay madaxa gargaarka ee Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dowladdu ay dhaqan gelisay go’doomin dhab ah oo lagu sameeyay cunnada gargaarka, eedeymahaas oo ay dowladdu beenisay.

Warbixinta ayaa lagu xusay in baarayaasha inta badan lagu carqaladeeyo shaqadooda, gaar ahaan meelaha ay ka taliyaan ciidamada Axmaarada, ama aysan awoodin inay booqdaan meelaha qaar amni darro awgeed.

Ma uusan carabaabin in Itoobiya ay dalkeeda ka masaafurisay baarayaal ka socday Qaramada Midoobay bishii September.

Kooxda TPLF oo ka talisa inta badan gobolka Tigrayga ayaa sheegtay in warbixintan ay tahay mid aan dhamaystirnayn sababtoo ah baadhayaashu ma aysan booqan meelo badan, isla markaana aanay ku lug lahayn madaxda Tigrayga.

“Waxay nagu hayeen mugdi,” Getachew ayaa yiri Talaadadii ka hor inta aan warbixinta oo dhan la sii dayn.

Warbixintu waxay sheegtay in hogaanka Tigray-gu uu ka caga jiiday ka qayb galka sababo la xiriira goobta ay joogaan baarayaal ka socda gudiga xuquuqul insaanka Itoobiya ee ay dawladu magacawday.

Xadgudubyada kale, warbixintu waxay diiwaangelisay eedeymaha sheegaya in ciidamada Tigraygu ay rasaas ku fureen dad rayid ah oo gabaad ka dhiganayay kaniisad ku taal magaalada Adi Hageray 3-dii Nofembar.

Dagaalkan ayaa billowday sanad ka hor kadib markii ciidamada gobolka iyo askarta Tigreega ee xoogga dalka ay la wareegeen saldhigyada ciidamada ee Tigrayga. Waxay sheegeen in dawlada dhexe ay ku dhowdahay inay talaabo ka qaado Tigrayga kadib markii uu gobolku qabtay doorashooyin isaga u gaar ah inkasta oo amar dawladeed uu dib u dhigay.

Colaadda ayaa ilaa 400,000 oo qof oo Tigray ah ku dhufatay macaluul, waxaana ku dhintay kumanaan rayid ah, in ka badan 2.5 milyan oo qof oo ku nool waqooyiga Itoobiya ayaa ku khasbay inay ka cararaan guryahooda.

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay Michelle Bachelet ayaa bishii March aqbashay codsiga Itoobiya ee ah in baaritaan wadajir ah lagu sameeyo, iyadoo sheegtay in laga yaabo in dambiyo dagaal laga geystay Tigray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More