Xamaas oo shaacisay tirada dadka ku go’doonsan isbitaalka Al-Shifa

Nov 15 (Jowhar.com)-Kumanaan kun oo bukaan ah iyo dad rayid ah ayaa la rumeysan yahay inay gabaad ka dhiganayaan isbitaalka Al-Shifa ee Qasa, kaasoo ay go’doomiyeen ciidamada Israa’iil.

Si kastaba ha ahaatee qiyaasuhu way kala duwan yihiin. WHO ayaa Talaadadii sheegtay in Al-Shifa ay ku sugunyihiin ilaa 700 oo bukaan ah, 400 oo shaqaale isbitaalka ah iyo 3,000 oo rayid ah.

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in ugu yaraan 2,300 oo qof ay weli ku jiraan isbitaalka – ilaa 650 bukaan ah, 200 ilaa 500 shaqaale ah iyo ku dhawaad 1,500 oo rayid ah.

Xaalad cakiran ayaa ka jirta isbitaalka oo ah kan ugu weyn Qasa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More