Xarunta Tababarka Tiknoolajiyada Somtel oo tababar u furtay Arday Jaamacadeed

May 31 (Jowhar.com)-Xarunta Tababarka Tiknoolujiyada ee shirkada Isgaarsiinta ee Somtel ayaa Maanta si rasmi ah Tababar u furtay ardayda wax ka barata Jaamacadaha SIU & Jaamacada Jamhuuriya ee kuyaalla Muqdisho.

Tababarkaan Waxa uu soconayaa muddo 6 bilood ah, iyadoo ardayda Lagu tababari doono 10 Taqasus oo La Xiriira Kuliyadaha Engineering & IT-da

Dhismaha Xarunta Tababarka Tiknoolaiyada Somtel & qalabeynteeda Intaba waxaa Ku baxay qarash dhan 1.9 Million oo doolar, iyadoo loogu talagaly in si lacag la’aan ah Tababar lagu siiyo ardayda Soomaaliyeed ee Wax ka barta Jaamacadaha dalka & Kuwa ka qalin badashay intaba.

Ugu horeyntii Waxaa daah-furay Tababarka Maareeye ku xigeenka Somtel ahna Madaxa Howl-fulintq Somtel Mudane :Aden Xaaji Yusuf Ibrahim oo Ku dheeraaday ahmiyada tababarkan waxa uu tibaaxay in Somtel ay sii wadi doonto tababarada nuucaan oo kale ah isagoo Ka dhawaajiyay in tababaro sare oo casri ah ( Advanced Trainings) ay shirkadda dhawaan Soo kordhin doonto

“ Waxaan ku faraxasanahay in Xarunta Tababarka Tiknoolujiyada aan Ku bilowno ardaydii ugu horeysay oo maanta Tababarka aan u fureyno Waxa ay isugu jiraan qeyb IT ah & Qeyb ( Telecommunication Field) ah Sida aad ka warqabtaan ardayda Marka Casharada lasiinayo waxa ay Makaxda Ku Weeleyn karaan oo kaliya 25% Fursadaha Tababar ay bixineeyso Xarunta tababarka Tilnoolujiyada somtel waa Fursadi isku mid ah dhamaan Jaamacadaha dalka & ardaydooda intaba Umad Waliba Hormarkeeda waxa ay KU xirantahay Heerka ay tiknolujiyada ka gaartay Waxaan U sameeynay jamaacadaha & ardayda Jadwal Cad oo qolo waliba waqtiga loo asteeyay ayey tababarada qaadan doonaan Waxaan soo kordhin doona Kuliyaaha cilmiga ah oo iyagana Muhiim ah Ugu dambeybtii Waxaan U Mahad-celinayaa Milkiilaha Dahabshil Xaaji Maxamed Saciid Ducaale oo Ugu Deeqay ardayda Soomaaliyeed (1.9 Milion) doolar oo lagu dhisay Dhismaha Xaruntan Tababar & qalabeynteeda intaba”

Waxaa Sidoo Kale Munaasabada ka hadlay Maamule Ku xigeenka Waaxda farsamada Eng Muxudiin Cali Yusuf oo tilmaamay in shirkaddu balan-qaadyo rasmi ah u fidisay ardayda Soomaaliyeed

“Waxaan Tababro qoto dheer Siin doonaa ardayda kuliyadaha Engineering & it-da Waxaan hubin doonaa in baraatikada Si dhab ah U wada qaateen dhamaan ardayda Jaamacadaha dalka ee Xarunta Tababarada U fidineeyso Waxaa Tusaale idiin-kugu filan ardayda Jaamacadaha SIU & Jamhuuriya oo Maanta Tababarka u bilowday Waxaan rajeeyneeynaa iyagoo Xirfadlayaal ah inan Tababarka U Soon xiro ardayda Inta uu Tababarka uu Socdo Waxaan Ku tababar Ku qaadan Donaan maadooyinka Kala ah (- *) ISP/SPLACING *) IT *) CORE AXESS NETWORK *) DATA COM NETWORK *) PSTN/NGN *) RNPO *) OCS *) POWER HYPRID SCENARIOS *) TRANSMITION * ) VSAT *) WIRELESS)”

Waxaa Sidoo Kale Munaasabada ka hadlay Hormuudka Kuliyada Engineering & Computer Technology ee Jaamacada SIU Mudane: Eng: Maxamed Cali khaliif oo Ku hadlayay Codka Jaamacadaha ardaydooda Tababarka U furmay

” Waan Ku faraxsanahay In Maanta Xarunta Tababarka Tiknoolujida Somtel ay Tababarada ay qabaneyso Ku bilowday ardaydeena Waan uga Mahad-celineeynaa Sida ay inooga Caawiyeen dhinaca Baraatikada oo dalka oo idil Kama jirto Xarumo Tababar qalabeysan oo baraatiko lagu siiyo ardayda Soomaaliyeed waa Markii ugu horeysay Xarun Nuucaan ah oo ardayda weliba si lacag la’ aan ah tababaro Lagu siinaayo Waxaan rajeeyneeynaa In la badiyo Xarumaha Tababarka Nuucaan ah si ay u daboosho baahida ardayda Somtel “ .

Ugu dambeyntii Qaar ka ka Mid ah ardayda Jaamacadaha SIU & Jamhuuriya oo iyaguna dareenkooda Muujiyay & Sida ay ugu faraxsanyihiin Xarunta tababar ay Somtel ay Soo Kordhisay

“ Waan ku faraxsanahay inan Maanta fursad u helno ardaydii ugu horeeyay ee Lagu daah-furay Tababarada ay bixineyso xarunta Tababarka Tiknoolujiyada Somtel Waxan ka koobanahay Ku dhawaad 100 arday oo ka Socda jaamacadaha Jamhuuriya & SIU oo Maanta Lagu bilaabay Tababarka Waxaan rajeeyneeynaa Marka tababarka inoo dahamaado inan baraatiko dhameystiran halkan kala tagi doono taasoo Marka an suuqa shaqada tagno ka dhigeeysa ianan Noqono arday Xirfadlayaal”

Si kastaba ha ahaatee Waa Xaruntii Tababar ee ugu horeysay ee Shirkad ganacsi furtay abid oo Si bilaash ah Wax lagu barayo arday Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadaha dalka & kuwa ka qalin badashay intaba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More