Xasan iyo Xamze oo madaxtooyada ku qaabilay hoggaamiyaha SSC Khaatumo

Oct 13 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka hoggaamiyaha SSC Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Firdhiye.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee deegaannada SSC Khaatuma ka dhageystay Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Firdhiye, Isagoo la wadaagay Madaxda heer Federaal aragtida, hiigsiga dadka deegaannadaas iyo caqabadaha nololeed ee ka dhasahy dagaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in bulshada ku dhaqan deegaannada SSC Khaatumo maanta looga baahan yahay in ay xoogga saaraan sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More