Xasan Sheekh ” Cowswayne meel aan aheyn oo ciidanka Dowladda lagusoo jebiyay ma jirto”

Sep 02 (Jowhar.com)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay saameynta ka dhalatay weerarkii todobaadkii hore Shabaab ku qaadeen ciidamadda dowladda ee ku sug aa deegaanka Cowsweyne, halkaasoo askar badan ay ku dileen.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay inaan jirin deegaan aan Cowsweyne eheyn oo lagu jabiyay ciidamadda xoogga dalka inta ay socoto howlgalka ka dhanka ah Shabaab.

“Meeshaas Cowswayne meel aan ahayn oo ciidanka Dowladda lagusoo jebiyay ma jirto. Hadda xooggaa waa laga daba tagay, xaqiiqadanii waa soo taabteen dhallinyarada,” ayuu yiri madaxweynuhu

Waxa uu sheegay inuu raja wanaagsan ka qabo in Shabaab laga adkaanayo, taasoo sabab uu uga dhigau tabar darida kooxdaasi.

“Dagaalka waa soconaa ma is taagaayo. Mooraalkeena waa Hight. Boqolkiiba boqol ayaan kalsooni ku qabnaa inaan ka adkaanayno Shabaab. Ileen waa soo tijaabinay,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Si kastaba, madaxweyne Xasan ayaa beri oo Axad ah lagu wadaa inuu usoo guuro magaalada Maxaas ee gooblka Hiiraan, halkaasoo uu kasii wadi doono hagista dagaalka kooxdaasi ka dhanka ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More