Xasan Sheekh oo la kulmay Agaasimaha Sirdoonka Turkiga

April 30(Jowhar.com)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay maanta Madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga Ibraahim Kalin oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa looga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Turkiga iyo Soomaaliya ee dhinacyada muhiimka ah ee labada dal, oo ay ku jiraan amniga, sirdoonka, dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga argagixisada, iyo horumarinta xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa bartamihii sanadkii hore u magacaabay Ibraahim Kalin Madaxa Sirdoonka Dalka Turkiga,waxaana uu xilligaasi ahaa afhayeenka gaarka ah ee Madaxweyne Erdogan.

Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Turkiga ayaa horaantii sanadkan waxa ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi dhinaca difaaca ah.

Kulanka waxaa   goobjoog ka ahaa Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA), C/laahi Maxamed Cali.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More