Xasan Sheekh oo magacaabay Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya

Aug. 18 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Mudane Cabdixakiim waxa uu ahaa la-taliyaha dhinaca siyaasadda ee madaxweynaha, waxa uuna leeyahay khibrad shaqo oo kor u dhaafaysa 20 sanadood oo ku aaddan dhinacyada horumarinta hay’adaha dowladda, maamul-wanaagga, tayeynta dowlad-goboleedyada iyo bulshada ay colaaduhu saameeyeen iyo xuquuqda aadanaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More