Xasan Sheekh oo soo dhaweeyay la wareegida xilka Wasiirka Amniga Cabdulaahi Maxamed Nuur

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay la wareegida xilka wasiirka Arrimaha Amniga Cabdulaahi Maxamed Nuur oo hore uga mid ahaa golihii wasiirada xilligii uu Xasan Sheekh Maxamuud ahaa madaxweyne.

Qoraal kooban oo u soo dhigey bartiisa ayuu Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay Laamaha Amniga inay la shaqeeyaan Wasiirka cusub ee Amniga Cabdulaahi Maxamed Nuur.

“Hambalyo wasiirka amniga mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur. Waxaan kuu rajeynayaa inaad ku guuleysato mus’uuliyadda culus ee laguu idmaday waqtigaan xasaasiga ah.”

“Waxaan shacabka ugu baaqayaa in si wadajir ah loola shaqeeyo guud ahaan hay’adaha amniga si loo hubiyo xasillonida guud ee dalka.”

Sidoo kale Duqii hore ee magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ahna musharax Madaxweyne ayaa ka hadlay la wareegida xilka wasiirka Cabdulaahi Maxamed Nuur.

 

“Wasiirka Amniga Gudaha ee XJFS Mudane Cabdullahi Maxamed Nuur waxaa hortaalla mas’uuliyad culus oo ay ugu horeyso nabadgalyada guud ee dalka & dardar gelinta amniga doorashada.”ayuu yiri Thabit Cabdi.

Sidoo kale Thabit Cabdi ayaa sheegay inaysan jirin sabab loo sameeyo xasarad, ciddii tuhun soo galana ay wajahdaa garsoorka iyada oo aan ummadda la jahwareerin.

Wasiirka cusub ee Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Wasaarada Amniga,hase yeeshee waxaa ka soo horjeestey la wareegida xilkaas Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jimcaale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More