Xasan Sheekh oo wadahadal gaar ah la yeeshay Victoria Nuland

Dec 14 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalla Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ee magaalada Washington, ku simaha Xoghayaha Difaaca dalkaas Marwo Victoria Nuland.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, kor u qaadista taageerada Mareykanka ee dib u habaynta hay’adaha amniga Soomaaliya iyo ka jawaabidda xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhashay isbaddalka cimilada.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Gargaarka Maraykanka (USAID) Danjire Samantha Power ayaa la wadaagay saamaynta taaban ee ka dhalatay Roobka Dayrta ee sida xad dhaafka ah uga da’ay dalka, isaga oo muujiyay muhiimadda kordhinta taageerada dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ee arrimaha dowlad-dhiska, wax ka qabashada saamaynta isbaddalka cimmilada iyo horumarinta kaabayaasha nolosha bulshada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More