Xasan Sheekh;”Farmaajo ha ka waantoobo carqaladaynta dadaalada Ra’iisul Wasaaraha”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday in uu ka waantoobo carqaladeynta dadaallada Ra’iisul Wasaaraha, maadaama uu baarlamaanka iyo ummadda Soomaaliyeed hortooda ugu wareejiyay mas’uuliyadda dalka, kadib markii uu muddo xileedkiisu dhamaaday.
Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay shaqo joojinta lagu sameeyay Agaasimihii Nabad Sugidda ayaa waxa uu hambalyo u direy agaasimaha cusub ee uu ra’iisul wasaaruhu magacaabay.
“Hambalyo taliyaha ku meel gaarka ah ee NISA Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, waxaan u rajeynayaa in uu ku guuleysto ma’uuliyadda culus ee loo idmaday.”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Qoraal uu soo saaray Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ku sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu mas’uul ka yahay dhammaan hay’adaha fulinta dalka oo ay ku jiraan kuwa ammaanka, jiritaanka hay’ado ammaan oo aan ka amar qaadanna waxa ay albaabka u fureysaa xasillooni darro iyo sameysanka kooxo hubeysan oo aan sharci ahayn, isla markaana dalka u horseeda burbur.

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan qeybaha ka duwan ee bulshada in ay garab istaagaan dadaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu caddaaladda ugu raadinayo Ikraan Tahliil.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More