Xiisadda Buufinada Basaaska ah ee u dhexeeysa Maraykanka iyo Shiinaha oo sii xoogeysatay

Feb. 13 (Jowhar.com-Xiisada ka dhalatay buufinnada basaaska ah ee u dhexeysa Washington iyo Beijing ayaa cirka isku shareertay kadib markii labada wadan ay isweydaarsadeen eedeymo la xiriira buufinada basaaska ah.

Mareykanka iyo Kanada ay doonaya inay sharxaan saddex walxood oo kale oo militariga Mareykanka uu ku soo riday hawada Waqooyiga Ameerika intii lagu jiray toddobaadkan.

Shiinaha ayaa waxa uu ku andacoonayaa in buufinnada joogga sare ee Mareykanka ay fasax la’aan dul mareen hawadooda in ka badan 10 jeer tan iyo bilowgii 2022. hase yeeshee Aqalka Cad ayaa isla markiiba beeniyay.

Washington waxay ugu yeertay buufino basaas ah,halka Shiinuhu uu ku adkaystay inay ahayd farsamo dhinaca cimilada la xiriirta balse si khadlan hawada Maraykanka u gashay.

Dhacdadan ayaa keentay in xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken uu baajiyo safarkii loo qorsheeyay ee uu ku tago Beijing todobaadkii hore.

Isniintii, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha Wang Wenbin ayaa sheegay in 10 duullimaad oo buufin ah oo Mareykan ah sannadkii hore ay sharci darro ahaayeen, laakiin ma uusan ku tilmaamin buufinnada kuwo milateri ama ujeeddooyin basaasnimo ah.

Afhayeen u hadashay Aqalka Cad ayaa arrintaas beenisay, waxayna ku eedaysay Shiinaha in uu ku xad-gudbay madax-bannaanida Maraykanka iyo in ka badan 40 waddan oo kale oo ku kala yaalla shanta qaaradood ee adduunka.

Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa Axadii shalay soo riday shay toban gees ah oo dul heehaabaya harada Huron, sida uu sheegay Pentagon-ka. Jimcihii, shay ayaa lagu toogtay badda meel u dhow Deadhorse, Alaska, iyo shay saddexaad, oo qaabkiisu ahaa goobo oo lagu burburiyay Yukon ee Kanada Sabtidii, iyada oo baarayaashu ay weli ugaarsanayaan burburka.

Ciidamada Mareykanka ma aysan awoodin inay aqoonsadaan waxa ay yihiin seddexda walxood ee ugu dambeeyay, halka ay ka imaanayaan,sida laga soo xigtey General Glen VanHerck, madaxa Taliska Difaaca Hawada Waqooyiga Ameerika (NORAD).

Saddexda walxood ayaa ku duulayay joogga sare oo khatar gelin kara isu socodka hawada, sida ay saraakiishu sheegeen.
Shiinaha ayaa sheegay in aysan wax war ah ka hayn mid ka mid ah saddexda walxood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More