Xildhibaan Maareeye oo soo jeediyay sida kaliya ee dowlada uga aarsan karto Puntland

Jun. 03 (Jowhar.com)-Xildhibaan Max’ed Cabdi Xayir (Mareeye) ayaa soo jeediyey in 2026-ka, xildhibaanada Puntland ku metela baarlamaanka Soomaaliya laga soo doorto magaalada Muqdisho oo sidiisa oo kale ay ku yimaadaan.

Maareeye ayaa Puntland ku eedeeyey in ay Midnimada diidan tahay, loolana dhaqmo si lamid ah xaaladda Somaliland, lagula macaamilo.

Biya dhaca doodiisa ayui sal uga dhigau in ay qasab tahay in Puntland lagu qanciyo Heshiiskii madasha wadatashiga iyo mudo kororsiga siman, kaasoo todobaadkii hore lagu gaaray caasimadda.

“Hadii aad weydo sida fiican sida aanad ka fursan doonin-baa hore la yeelaa” Ayuu yiri Maareeye.

Si kastaba, Mudane Maareeye oo horey xilal kale duwan uga soo qabtay dawladda faderaalka Soomaaliya, haddana ah mudane golaha shacabka kana soo jeeda Somaliland ayaa falcelin kala duwan kala kulmay hadalkiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More