Xildhibaan Yaasiin Faratoon oo ku guuleystay doorashada gudooniyaha golaha wakiilada Somaliland

July. 23 (Jowhar.com)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in gordhow ay soo idlaatay doorashada gudoomiyaha cusub ee golaha wakiilada Somaliland oo ololeheeda uu si dar dar leh u socday labadii cisho ee ina dhaaftay.

Xildhibaan Yaasiin Xaaji Faratoon, ayaa ku guullaystay doorashada guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.

Sida wararku tilmaamayaan, Faratoon waxaa u codeeyay 46 Xildhibaan, taasoo guusha gaarsiisay.

Musharixii la tartamayay oo ahaa Xildhibaan Maxamed Khadar isagu waxaa u codeysay 35, sida gudoonka ay shaaciyeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More