Xildhibaannada Baarlamaanka oo maanta kulmaya, xilli muddo xileedkooda sii dhamaanayo

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta oo Sabti ah yeelanaya, mid ka mid ah kulamadooda caadiga ah, iyagoo kulankan uu ku soo aaday, todobaad oo uu hakad ku jiray kulamada baarlamaanka.

Farriimo loo diray Xildhibaannada ayaa lagu wargeliyay in kulanka maanta oo Sabti ah ajandihiisa yahay akhrinta koowaad ee Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2021 iyo akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka dhismaha dhiiragelinta maalgashiga.

Kulanka maanta ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddo xileedka Baarlamaanka uu sii dhamaanayo, waxaana uu uga egyahay 27 bisha december oo ay ka hartay 15 cisho kaliya.

Hase ahaatee waxaa la sheegayaa in Baarlamaanka damacsan yahay ka hor inta aanu waqtiga ka dhamaan inuu soo saaro qaraar ku saabsan xaalada dalka iyo in Baarlamaanka 10aad uu xilka sii haayo, inta laga soo dooranayo Baarlamaanka 11aad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More