Xildhibaano ka soo jeeda Hirshabelle oo ka hadlay afduubka ka dhacay Beledweyne

Qaar ka mid ah xildhibaanada deegaan doorashadooda ay tahay Hirshabelle ayaa ka hadlay afduub magaalada Baledweyne loogu geystay wiilal dhalinyaro ah oo loo afduubtay iney isku qoys yihiin taliyaha Nabadsugida Soomaaliya Fahad Yaasiin.

Faarax C/qaadir ayaa ka mid ah xildhibaanada hadlay waxana uu ka tacsiyadeeyay geerida Ikraan Tahliil, waxana uu codsaday in la sii daayo dhalinyarada la afduubtay.

“Odayaasha, Waxgaradka & dadka soomaaliyeed gaar ahaan Baladweyne waxa aan ugu baaqayaa in si degdeg ah xorriyadooda u helaan dadka aan waxba galabsan ee la heysto, arrintaasi ma aha mid u daneyneysa cadaalad aan u raadineyno Ikraan, dadku waa ehel & deris” ayuu yiri Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Xildhibaan Faarax waxa uu dhanka kale soo jeediyay in aanay laga harin kiiska Ikraan Tahliil oo Hay’adda NISA sheegtay in ay dishay Al-Shabaab, balse war kasoo baxay Al-Shabaab waxa ay ku beeniyeen in ay ka dambeeyeen dilka Inantaan.

Sidoo kale Xildhibaan Aamino Maxamed oo ka mid ah Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney ka xun tahay in la dhibaateeyo dad aan waxba galabsan.
Waxana ay Aamino Maxamed ugu baaqday dowlada federalka in baaritaan dhab ah lagu sameeyo cida ka dambeysa arrinta Ikraan Tahliil.

Magaalada Beledweyne oo lagu afduubtay saddex dhalinyaro ah ayaa waxaa ka socda wadahadalo lagu doonayo in lagu sii daayo dhalinyaradaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More