Xildhibaano ka tirsan BFS oo dacwo ka gudbiyay safiirka UK

Dec 23 (Jowhar.com)-Xildhibaanada labada golle ee BJFS ku metela SSC-Khaatumo, ayaa warqad ay kaga cabanayaan Safiirka dalka UK u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis u diray Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Warqadan oo sidoo kale lagu socod-siiyey inta badan Danjireyaasha Urudada Caalamiga ah u jooga Soomaaliya ayey Xildhibaanada SSC-Khaatumo uga cawdeen in Safiirka Britain ku xadgudbay shuruucda Caalamiga ah ee diblomaasiyadda isaga oo si joogta ah farogalin ugu haya Arrimaha Soomaaiya.

Xildhibaanadu waxa ay xuseen in Safiirku si gaar ah u bartilmaameedsanayo deegaanadooda si diblomaasiyadda ka baxsanna u taageerayo dhinaca Somaliland.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More