Xubnaha Guddiga doorashada Madaxweynaha oo la dhamaystirey

May 04 (Jowhar.com)– Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Shiikh Aadan Maxamed Nuur ayaa dhammeystiray Xubnaha qaban qaabada Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa hore ugu dhawaaqay illaa siddeed xubnood oo ka mid ah guddiga qabanqaabada doorashada Madaxweynaha,waxana uu soo saaray goordhow qoraal dhamaystiraya xubnaha guddiga.

Aqalka Sare ayaa hore u shaaciyay lixda xubnood ee ka mid noqonaysa guddiga doorashada Madaxweynaha, waxaana lagu wadaa in labadan guddi ay si wadajir ah u soo saaraan Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada Madaxweynaha oo la filayo in toddobaadyada soo socda ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Akhriso magacyada guddiga qabanqaabada doorashada Madaxweynaha ee laga soo xulay Golaha Shacabka;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More