Yuusuf Dabageed:”Kursi kasta oo qabiil leeyahay qof ayaan la rabnaa inaan geyno”

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa meel fagaare ah maanta ka sheegay in doorashada ka dhacaysa Beledweyne ay tahay mid qabiiladu ay ku tartami doonaan balse ay doonayaan shaqsi gaar ah in qabiil walba uu doorashada ku guuleysto.

Yuusuf Dabageed Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle oo gaaray maanta magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay doorashada golaha shacabka oo lagu wado in illaa 25 kursi lagu soo doorto magaalada Beledweyne.

Hadalka Yuusuf Dabageed madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle jeediyay ayaa waxaa uu ahaa mid uu si maldahan ugu sheegay inay jiraan musharaxiin u calaamadeysan oo lagu dooran doono magaalada Beledweyne.

“Kursi walba qabiil baa ku tartami doona qofkii waaya kursiga waxa uu dhihi doonaa cadaalad daraa meesha ka dhacday,waxaa laga yaabaa hal qabiil toban qof inay ku tartamaan kursiga, annagana waxaan ka shaqeyneynaa siyaasad waxa dadka ka dhaxeeya dhinacay noola dhowdahay inaan u riixno ayaan ka shaqeyneynaa.”ayuu yiri.

“Shib inaan ka dhahno ma dhacayso cadaalad darro muuqato ma ka shaqeyneyno laakin kursi kasta oo qabiil leeyahay oo musharaxiin badan u socoto qof ayaan la rabnaa ogaada qofkaan rabno inaan geyno ayaan rabnaa,”ayuu sii raaciyay.

Dowlad goboleedka Hirshabele ayaan weli ku dhawaaqin xiliga ay ka bilaabanayso doorashada,hase yeeshee Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle oo toddobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa dib ugu laabtay waxaana la filayaa in dhawaan lagu dhawaaqo qabashada kuraas ka mid ah doorashada Golaha Shacabka.
:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More