Faahfaahin ku saabsan sababta ay Kenya uga baxday dacwada Badda

Kenya ayaa isaga baxday dhageysiga dacwadda badda kaas oo berri ka bilaabmaya maxkamadda caddaaladda adduunka ee ICJ, sida uu ku warramayo wargeyska Daily Nation.

Wargeyska wuxuu ku warramay in uu arkay dokumenti muujinayo in Kenya ay go’aansatay in aysan ka qeybgeli doonin kiiska isla markaana maxkamadda aysan wax dan ah ka laheyn codsigooda ahaa in dib loo dhigo kiiska cudurka safmarka ee Karoona dartii.

Sidoo kale, wargeyska The Standard ee kasoo baxa Kenya oo soo xiganayo ilo wareedyo ayaa ku warramaya in Kenya la filayo inay gudbiso warqad ay ku sheegeyso in aysan ka qeybgeli doonin dhageysiga dacwadda.

Wuxuu intaas ku daray in qareenada ay berri maxkamadda ka codsan doonaa inay siiso 30 daqiiqo si ay sharraxaad uga bixiyaan sababta aysan uga qeybgaleynin dhageysiga kiiska.

Dhanka kale, xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Kenya ayaa BBC u xaqiijiyay in Kenya ay isaga baxday dhageysiga dacwadda.

Tallaabadan ayaa imaaneysaa xilli berri lagu wado in maxkamadda caddaaladda adduunka uu ka bilowdo dhageysiga dacwadda badda Kenya iyo Soomaaliya xilli labada dal uu ka dhex tagaan yahay khilaaf diblumaasiyadeed.

Bishii hore ayay aheyd markii maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee ICJ ay gaashaanka ku dhufatay dalab uga yimid Kenya oo dooneysay in dib loo dhiga dhageysiga dacwadda kala dhexeysa Soomaaliya sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo saameyn weyn ku yeeshay howlihii diyaargarowga kiiska ee ay wadday Kenya.

Qoraalka ay dowladda Kenya u gudbisay maxkamada ICJ ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ka qeybgalka dhageysiga kiiska ee garsoore, Cabdulqawi Axmed Yusuf, oo dhalashadiisu Somaali tahay ay tahay mid shaki galinaysa kalsoonida lagu qabi karo in maxkamada ay dhexdhexaad noqonayso.

Mr Kariuki, ayaa ku dooday in kiiska dhanka Kenya uu inta badan gundhigiisu yahay waxyaabo ay qareenada sharxayaan iyaga oo tusaale adeegsanaya islamarkana aan taasi lagu sameyn karin qaab maqal iyo muuqaal ah.

Kenya ayaa ka cabanaysa in dhageysiga loo qabto qaab maqal iyo muuqaal ah taasi oo Mr Kariuki uu sheegay “in aysan ku haboonayn in kiis sidan u culus una muhimsan lagu qaado qaab maqal iyo muuqaal ah”.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya ayaa sidoo kale qoraalka uu maxkamadda u gudbiyay ku sheegay in Kenya ay qareeno cusub qoratay islamarkana kulamo aysan yeelan maadama uu jiro feyriska Corona sidaasi daraadeed-na Kenya aysan si wanaagsan ugu diyaar garoobin kiiska.

Dowladda Kenya ayaa shaqada ka ceyrisay qareenadii uga qeybgalay dhageysigii 2019 waxa ayna ku dhaliisha tayada qaabkii ay dacwadooda u soo bandhigeen.

Maxkamadda ayaa inta badan go’aanada ay gaarto fulintooda waxay ku tashataa oo ay isku haleysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey si loo xaqiijiyo in la xushmeeyo oo loona hogaansamo go’aanadeeda.

Kenya ayaa imika xubin aan joogta ahayn ka ah golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More