Howlgal ay filiyeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwo kale oo ka dhacay Mudug

April 25 (Jowhar.com)- War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka oo laga fuliyay hawdka deegaanka Tabar-mooge oo qiyaastii 28-km Waqooyi kaga beegan magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug lagu diley illaa 70 ka mid ah dagaalamayaasha Alshabaab halka soddon kalana lagu dhaawacay.

“Maleeshiyaadka halaagsamay waxaa lagu beegsaday saddex barood oo ku yaala deegaankaas, xogta la helay ayaa sheegeysa in ay isku aruursanayeen ilaa 150-Khawaarij ah, kuwaas oo isugu jiray maleeshiyaad ka soo firxaday hawlgalkii shalay ka dhacay deegaanka Carfuuda iyo maleeshiyaad kale oo la soo aruuriyay.”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada dowlada iyo Saaxiibada Caalamka ayaa wali ku raad-jooga Kontomeeyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo isku dayay in ay dhulka hawdka ah ku baxsadaan, iyada oo sidoo kale Khawaarijtu daryeel u la’dahay maleeshiyaadka dhaawacyada daran ay ka soo gaareen hawlgalka maanta.

Halkan hoose ka aqriso warsaxaafadeedka;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More