Weriye Cabdulaahi Kulmiye oo xabsiga laga sii daayay

Weriye Cabdulaahi Kulmiye Caddow oo ka tirsan idaacada Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa la sii daayay goordhow kadib muddo afar cisho ah oo uu u xirnaa dowlada federalka.

Cabdulaahi Kulmiye ayaa la sii daayay iyadoo aan la geyn maxkamad waxaana loo xirey wareysi uu ka qaaday Ganacsade Abuukar Cumar Cismaan oo taageeray fekerka Al-Shabaab.

Weriyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho iyo deegaano kale oo ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dowlada inay si shuruud la’aan ah ku sii deyso weriyaha.

Weriye Cabdulaahi Kulmiye Caddow oo muddo dheer ku soo dhex jirey saxaafada ayaanay ahayn markii ugu horeysay ee loo xiro sababo la xiriira xirfadiisa saxafinimo.

Sanadkii 2005dii ayaa Cabdulaahi Kulmiye lagu xirey magaalada Jowhar isagoo xilligaasi ka tirsanaa radio Hornafrik,kadib markii uu ka warbixiyay xarun waxbarasho oo la dejiyay xildhibaanadii dowladii kumeelgaarka ahayd ee Cabdulaahi Yuusuf.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More