Axmed Ciise Cawad oo iska diiday xilkii Safiir ee loo magacaabay (Akhriso)

Wasiirkii Arrimaha Diabdda ee xilka laga qaaday Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in aanu diyaar u aheyn inuu xil qabto Safiir iyo mid kaleba.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray ayuu iska diiday xil Safiirnimo oo uu aan la carabaabin dalka looga dhigay uu Madaxweyne Farmaajo magacaabay, markii laga qaaday xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in xilka Safiir ee loo waday Axmed Ciise Cawad ay aheyd Safiirka UK.

Amb. Cawad ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay xilkii Wasiirnimada uu u magacaabay, sida uu bartiisa Twitter-ka ku soo qorayna ku sheegay taariikhda 4 bisha November 2018, balse xilliga rasmiga ee xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda loo magacaabay ay aheyd 4 Janaayo 2018.

Xil ka qaadista Wasiirkii Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa ka dambeysay, kaddib qoraal Wasaaradda Arrimaha Dibadda ka soo saartay xaalada Itoobiya oo dowladda Soomaaliya walaac ka muujisay, kuna baaqday in dagaalka gudaha ee Itoobiya lagu dhameeyo wada hadal, hase yeeshee qoraalkaas oo barta Twitter-ka la soo dhigay ayaa laga saaray, waxaana Wasiir Cawad soo dhigay qoraal bartiisa Twitter-ka ku qoray oo uu ku sheegay in aanay jirin war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda, isla markaana aanu ansax aheyn qoraalkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More