Ra’iisul Wasaare Rooble oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimada dalka ee Muqdisho kadib booqasho qaadatay muddo saddex maalmood ah oo uu ku tegey magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah ee Maamulka Koofurgalbeed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa intii uu joogay Koofur Galbeed waxa uu xarigga ka jaray mashaariic kala duwan oo isugu jira Iskuullo, xarumo caafimaad iyo adeegyo kale oo dowladdu ka hirgaliay Koofur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Rooble ayaa dhagax dhigay dhowr mashruuc oo ay ka mid yihiin xarumo caafimaad, dhismeyaal wasaaradeed iyo goobo waxbarasho oo Dowladda Federaalka Soomaaiya ka hirgalineyso Koofur Galbeed Soomaaliya.

Booqashada Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa booqashada uu ku tegey magaalada Baydhabo waxa ay ahayd tii ugu horeysay ee uu ku tago maamul goboleed tan iyo markii loo magacaabay inuu noqdo ra’iisul wasaare.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More