Qoorqoor oo ka codsaday Musharaxiinta inuu iyaga iyo dowladda Federaalka dhex dhexaadiyo

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ka codsaday Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha inuu iyaga iyo dowladda Federaalka uu dhex dhexaadiyo.

Axmed Qoorqoor oo xalay Hotelka Jazeera kula kulmay Musharaxiinta Madaxweynaha oo shir lahaa, ayaa ka wada hadlay sidii loo xalin lahaa tabashada ka jirta Guddiyada doorashada.

Wararka ayaa sheegaya in Musharaxiinta Madaxweynaha ay aqbaleen codsiga Qoorqoor ee dhex dhexaadinta iyaga iyo dowladda Federaalka.

Lama oga in codsiga Qoorqoor ee dhex dhexaadinta uu yahay qorshe dowladda Federaalka la ogtahay iyo in kale, iyadoo Madaxweyne Qoorqoor uu aad ugu dhow yahay Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Nabadsugida.

Habeen hore ayay aheyd markii Madaxtooyada Villa Somalia uu ka dhacay shir u dhaxeeyay Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynaha Galmudug iyo Taliyaha Nabadsugida Fahad Yaasiin, iyadoo kulankaas looga hadlayay arrimaha doorashooyinka iyo muranka ka taagan Guddiyada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More