Axmed Madoobe “Doorashada haddaan Garbahaarey ku qabaneyn, Kismaayo ayaa kuligeed ku qabaneynaa”

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo shalay Kismaayo kula hadlayay qeybaha kala duwna ee bulshada ayaa ka hadlay doorashooyinka iyo hadalada xanafta leh ee ka soo yeeray mas’uuliyiinta dowladda federaalka ee ku sugan Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta gaaleysiinta dadka si la mid ah Al-Shabaab, iyo in qof walba markuu qof kale la coloobo uu ku tilmaamo inuu Murtad yahay.

“Shabaab ayaa qofkii iyaga ka hor-yimaada dhaha waa murtad, oo in la dilo, dhiiggiisa waa bannaan yahay, maalmahan waxaa moodaa warkaas inuu ku soo noqnoqnayo Muqdisho, waa maqleyseen nin weyn oo taagan ayaa yiri hebel in la dilo waa murtad, diinta ayuu ka baxay, war Diinta waa tee Shabaab ayaa isku leynaya ma diinta idinka ayaa leh, haddii ay noqoto nin walba ninka uu la coloobo waa gaal, waa Murtad, oo kuwa murtadiinta shabaab ku sheegayaan oo iyaga u kala baxayaan A iyo B, sow dhibaato maaha, inlee Shabaab waxaan dhan Murtad ayay u yihiin”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Mar uu ka hadlayay doorashooyinka ayuu sheegay in Jubbaland ay xaq u leedahay inay iyada maamusho doorashada, oo aysan ka duwaneyn maamulada kale, waxaana uu is weydiiyay sababta Jubbaland loogu diidan yahay inay doorashadeeda qabsato, Jowhar iyo Dhuusamareeb loo madax banaaneynayo.

“Doorashada Garbahaarey haddaan ku qabaneyn, mida Kismaayo sabab aan ku qabano ma jirto, haddii kale kuligeed Kismaayo ayaa ku qabaneynaa”ayuu yiri Axmed Madoobe oo tilmaamay in haddii aanan doorashada maamuleyn aysan Garbahaarey wax doorasho ah lagu qaban doonin.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Jubbaland ayaa uga digay dowladda Federaalka inay dhimbil dab ah ku ciyaarto, iyadoo madaxda dowladda ay ilaaliyaan Askar AMISOM ah, waxaana uu ku baaqay in Soomaali gogol nabadeed isugu timaado.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More