Guddiga doorashada Somaliland ee lagu muransan yahay oo Guddoomiye doortay

Guddiga doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi/Somaliland ee ku xareysan Hotel Decale ayaa maanta Guddoomiye u doortay Khadar Xariir Xuseen, halka Kuxigeen loo doortay Najiib Xuseen Samaale.

Guddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenka ayaa min 10 cod kala helay, oo ahaa cododka xubnihii Guddiga doorashada Somaliland.

Guddigan oo Xukuumadda soo magacawday ayaa ka mid ahaa Guddiyada doorasho ee lagu muransan yahay.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay muranka ka jiray Guddiyada doorashada, gaar ahaan Guddiga Somaliland, iyadoo Guddoomiyaha Aqalka Sare uu ku eedeeyay Xukuumadda inay xubnaha ay magacawday aanay aheyn xubnihii uu u gudbiyay.

21 bishii November ayay aheyd markii warqad ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi lagu magacaabay Guddi ka kooban 8 xubnood oo maamuli doona doorashada xubnaha xildhibaannada ee gobollada waqooyi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More