Ciidamada Maraykanka oo duqeyn ka geystey deegaan ku dhow Jilib

Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa “Africom”ayaa sheegay inay labo jeer maanta ay duqeeyeen deegaan ku dhow degmada Jilib ayna bartilmaameedsadeen saraakiil ka tirsan Alshabaab iyo gaadiid ay saarnaayeen waxyaalaha qarxa.

Qoraal uu soo saaray AFRICOM ayaa lagu sheegay inay duqeyntan ay geysteen maanta ay tahay mid la xiriirta la dagaalankii ururka Alshabaab ayna ka go’an tahay inay sii wadaan kaalmada ay siinayaan dowlada federalka Soomaaliya.

“Duqeyntan waxa ay tahay mid aan ku muujineyno inaan garab taaganahay saaxibadeen oo aan ka difaaceyno cadowga.”ayuu yiri General Dagvin Anderson oo u waramay ciidamada Maraykanka.

Qoraalka ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarada qaraxyada ee ay Alshabaab ka geysteen tan iyo sanadkii 2018 caasimada dalka Soomaaliya ay gaareyso illaa 45 halka ay ku dhinteen illaa 400 oo ruux.

Illaa hadda ciidamada Maraykanka ma cadeyn tiro go’an oo ah waxyeelada ay geysatay duqeyntan ugu dambeysay ee ay maanta geysteen diyaaradaha aan duuliyaha wadin.

Hase yeeshee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in iyadoo kaashanaysa Taliska Ciidanka ARICOM ay duqeyn cirka ah u gaystay warshad Alshabaab leedahay oo qaraxyada lagu farsameeyo islamrkaana lagu kaydiyo oo ku taalay nawaaxiga Jilib.
Qiimeyn hordhac ah oo la sameeyay ayay dowlada federalka ku sheegtay in duqeyntan lagu diley toban ka mid ah dagaalamayaasha Alshabaab.

Duqeyntan ayaa ah tii ugu horeysay ee ay ciidamada Maraykanku ka sameeyeen dalka Soomaaliya tan iyo markii Madaxweynaha Maraykanka Trump uu sheegay in ciidamada Maraykanka ee jooga dalka Soomaaliya laga saarayo inta uusan xilka wareejin 20ka bisha Janaayo 2021.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More