11 qof oo ku dhintay goob cuno lagu qeybinayay dalka Pakistan

Apr. 01 (Jowhar.com)-Masuuliyiinta dalka Pakistan ayaa sheegay in isbuurasho ay ka dhacday xarun lagu qaybinayey cunto bilaasha oo ku taalla dekedda Koonfureed ee Karachi, waxaana goobtaas ku dhintay ugu yaraan 11 qof halka uu dhaawac soo gaadhay shan qof oo kale.

Ciidamada booliska iyo kooxaha gurmadka ayaa sheegay in badi dadka uu dhaawaca iyo dhimashadu soo gaadhay ay yihiin haween iyo caruur.

Isbuurashadan ayaa ka dhacday barxadda wershedda Karachi, halkaas oo la doonayey in shaqaalaha loogu qaybiyo cunto bilaash ah, bishan barakaysan ee Ramadaanta awgeed. Hase ahaate boqollaal qof ayaa ka soo buuxsamay goobta kuwaas oo ku soo qamaamay inay saami ka helaan cuntada, waxaana goobta ka bilawday is-riixriix, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo laamaha ammaanku.

Dalka Pakistan oo ay ku nool yihiin in ka badan 230 milyan oo qof ayaa la daalaa dhacaya duruufihii dhaqaale ee ugu xumaa ee soo foodsaara muddo tobanaan sano ah.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Pakistan ayaa ku dhawaaqay in bisha barakaysan daqiiq bilaasha la gaadhsiiyo malaayiin qof oo sabool ah, si ay uga soo kabtaan sicir bararka saamaynta ku yeeshay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More