13 kursi oo lagu dooranayo Baraawe oo la shaaciyay

Guddiga Hirgalinta Doorashada Koofur Galbeed ayaa shaaciyay 13-ka kursi ee ka harsan kuraasta taalla Magaalada Baraawe.

Maanta ayaa lagu doortay magaalada Baraawe 7 kursi halka shalayna lagu doortay 6 kursi.

Xildhibaanada afartii sano ugu dambeysay kuraasta la shaaciyay ayaa waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Cabdiweli Ibrahin Muudey,Wasiirka Isboortiga Xamsa Sacid Xamsa iyo xubno kale,

Kuraasta ugu dambeysa ee lagu dooranayo magaalada Baraawe waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku  fadhiyay xildhibaanada hoos ku qoran;

HOP # 187 waxaa ku fadhiyay Sharif Sheekhunaa Maye

HOP # 251 waxaa ku fadhiyay Muna Sheekh Abuu

HOP # 195 waxaa ku fadhiyay Maxamed Nuurani Bakar

HOP # 194 waxaa ku fadhiyay Xamsa Sacid Xamsa

HOP # 062 waxaa ku fadhiyay Cali Yuusuf Cismaan

HOP # 148 waxaa ku fadhiyay Amina Xasan Cali

HOP # 162 waxaa ku fadhiyay Cali Sheekh Cabdulahi

HOP # 256 waxaa ku fadhiyay Nadifo Aadan Isaq

HOP # 045 waxaa ku fadhiyay C/shiid Maxamed Axmed

HOP # 057 waxaa ku fadhiyay Axmed Cumar Islow

HOP # 143 waxaa ku fadhiyay Cali Sh.Maxamed Nur

HOP # 163 waxaa ku fadhiyay Isaq Maxamed Maxamuud

HOP # 145 waxaa ku fadhiyay Cabdiweli Ibraahim Sh.Muudey

 

Halkan hoose ka aqriso 13 kursi ee dhawaan lagu dooranayo Baraawe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More