Daalibaan oo lagu eedeeyay inay dileen haweeney xaamilo ahayd

Xoogaga Daalibaan ee haatan la wareegay dalka Afghanistan ayaa toogtay haweeney ka tirsaneyd booliskii hore ee ciidamada Afghanistan caasimadda gobolka Ghor.

Haweeneydan oo magaceeda lagu sheegay Banu Negar, ayaa lagu dilay guriga qoyskeeda oo ay ku sugnaayeen dad ehelkeeda ah.

Dilka ayaa imanaya iyadoo ay isa soo tarayaan wararka sheegaya in ay sii kordhayso caburinta haweenka Afghanistan.

Hase yeeshee Daalibaan ayaa beenisay inay ku lug lahaayeen dilka haweeneydan”Waan ka warqabnaa dhacdadan waxaanan xaqiijinayaa in Taliban aysan dilin, baaritaankayagu wuu socdaa”. ayuu yiri afhayeenka Daalibaan Zabiullah Mujaheed.

Wuxuu intaas ku daray in Taliban ay mar hore ku dhawaaqday cafis ay u fidinayso dadkii u shaqayn jiray maamulkii hore.

Ururka Daalibaan ayaa ku dhawaqay inay deegaankii ugu dambeeyay eek u jirey gacanta koox ka soo horjeeda ay la wareegaan haatan ay maamulaan dhamman dalka Afghanistan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More