Hoobiyaal lagu weeraray Saldhig ay ciidamada Puntland ku leeyihiin gobolka Bari

Wararka ka imaanaya Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegay in xalay hoobiyaal lagu weeraray saldhiga ciidamada difaaca Puntland ee deegaanka Af-Urur ee gobolka Bari.

Weerarka hoobiyasha kadib ayaa ciidamada Puntland waxa ay ugu jawaabeen madaafiic iyo rasaas ay la beegsadeen halka laga soo ridey hoobiyaasha.

Hase yeeshee sida laga soo xigtey saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in aysan wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas.

Alshabaab ayaa mararka qaar waxa ay u adeegsataa hoobiyaal inay ku weeraraan saldhigyada ciidamada gaar ahaan xilliyada habeenkii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More